Dhageyso Heesta “Mera Mulk Mere Desh” Ajay Devgan filimka qalbi holcay ee Diljale oo Soomaali u turjuman
Published on October 31, 2015 by The actor · 7 Comments
31/10/2015 – Iyadoo dhawaan aan idiin soo gudbin doonno qoraalka heesta oo turjuman waxaan marka hore aqristayaasheenna u soo gudbinaynaa heesta Turjuman ee hindiga oo dhageysi ah walibana lagu turjumayo afka Soomaaliga.
Heesta miiska inoo saaran ee aan turjumaadeeda soo gudbin doono maanta waa heesta “Mera Mulk Mere Desh” oo ku jirta filimka ay wadaan Ajay Devgan, Sonali Bendre iyo Madhoo, waxaana uu soo baxay filimkan 27 bishii September sanadkii 1996-kii.
Muusiga heesaha filimkan waxaa garacaya Anu Malik, iyadoo ay jilista heestan leeyihiin aktarrada Ajay Devgan iyo saaxiibo kale, waxaana ku luqeynaya oo codka iska leh fannaaniita codka macaan ee Kumar Sanu iyo Aditya Narayan.
Box Office-ka iyo waxa uu filimkan ka sameeyey:-
Filimkan Diljale ayaa wacdaro muuqda ka sameeyey Box Office-ka, waxa uuna soo xareeyey lacago ka badan intii la filayey taasoo ah 17.75 kana badan lacag la galiyey oo ahayd 7.5.
Wax yaabaha kale oo sida gaarka ah loogu xusuusan doono filimkan waa heesta qiirada leh ee Mera Mulk Mera Desh iyo qaabka dareenka xambaarsan oo uu Ajay u jilay filimkan, waana mid ka mid ah filimada ugu xusuusta badan ee uu taariikhdiisa keeno Ajay Devgan.
Filimka Diljale loo doortay inuu yahay Hit wayn ama filim wayn oo guuleystay, isagoo ku biiray filimada guuleystay ee uu keenay Ajay Devgan.
Dhageyso Heesta “Mera Mulk Mere Desh” Ajay Devgan filimka qalbi holcay ee Diljale oo Soomaali u turjuman: https://t.co/cXl0HQZG7l
Waa hers macaan badan thanks m.qadar