Wednesday, August 23rd, 2017

2-Maalmood ayaa hartay,Hadaba Ka Bogo Wax Walba Taariikh ah oo ku Saabsan kulanka Finalka Juventus iyo Real Madrid

Published on June 1, 2017 by   ·   No Comments

01/6/2017 Finalka Champions league waxaa ka harsan kaliya 2 Maalmood,oo Maalinta Sabtida 3-da June waxaa lagu ciyaarayaa Cardif.

 

Laakiin Kahor kulankaas Dhowrkan xaqiiqo ayey tahay inaad kasii ogaato kulanka dhexmaraya Real Madrid iyo Juventus

 

1-Real Madrid waxay finalka Champions Leaque-ga uga baahan tahay hal gool oo kaliya si ay u gaadho 500 gool oo UEFA Champions League oo ah goolasha min heerka groupyda ilaa finalka waxayna noqonaysaa kooxdii ugu horaysay ee heerka gool dhalintan abid soo gaadhay.

 

2-Dani Alves ayaa kulankii Monaco soo saftay kulankiisii 99 aad ee Champions Leaque-ga wuxuuna kulanka Cardiff noqon doonaa ciyaartoygii 31 aad ee ciyaaray kulamada qarniga ah ee 100 kulan ee Champions Leaque-ga.

 

3- Haddii ay Juventus ku guulaysato koobka Champions Leaque-ga waxay noqon doontaa kooxdii todobaad ee koobkan guuldaro la’aan ku qaaday iyo markii ugu horaysay tan iyo sanadkii 2008 kii markaas oo Man United guuldaro la’aan ku qaaday Champions Leaque-ga.

 

4- Kooxaha Real Madrid iyo Juventus ayaa markii lixaad ku tartamaya finalka UEFA Champions League tan iyo markii tartanka kooxhaa Yurub qaabka uu hadda yahay loo dhigay waxayna barbaraynayaan rekoodhkii AC Milan oo lix final rekoodhkan ku haysatay.

 

5- Real Madrid ayaa soo wada guulaysatay shantii kulan final ee UEFA Champions League, waana rekoodh iyada khaas ah halka Juventus ay tirada ugu badan oo afar jeer ah soo guuldaraysatay waana rekoodh xun oo iyada khaas u ah waxayna guusheeda kaliya ee ay soo gaadhay ahayd rekoodhayaashii ay Ajax ku garaacday sanadkii 1996.

 

6- Kooxaha kaliya ee Real Madrid kula midka ah guulaha boqolkiiba boqolka ah ee finalada Champions Leaque-ga ee tan iyo markii qaabka uu yahay hadda loo dhigay ayaa kala ah kooxaha Marseille (1993), Porto (2004) iyo Internazionale (2010) oo min halkii kulan final ee ay soo gaadheen guulaystay.

 

7- Real Madrid ayaa doonaysa in ay noqoto kooxdii abid ugu horaysay ee difaacata koobka UEFA Champions League. Laakiin marka magaca tartanka kooxaha Yurub la eego AC Milan ayaa ah kooxda kaliya ee laba xili ciyaareed oo xidhiidh ah ku soo guulaysatay koobkan ka hor intii aan lo bixin UEFA Champions League waxayna taariikhdan samaysay 1989, 1990 kii.

 

8- Afar kooxood ayaa isku soo dayay in ay difaacdaan koobka UEFA Champions League oo soo gaadhay kulanka finalka laakiin dhamaantood way guuldaraysteen waxayna kala ahaayeen Milan (1994, 1995), Ajax (1995, 1996), Juve (1996, 1997) iyo Man United (2008, 2009).

 

9- Zinédine Zidane ayaa doonaya in uu noqdo tababarihii abid ugu horeeyay ee koox laba xili ciyaareed oo xidhiidh ah kula guulaysta UEFA Champions Leagues, waxayna noqon doontaa taariikh isaga khaas u ah haddii ay Madrid koobkan qaado.

 

10- Sergio Ramos ayaa dhiniciisa ka doonaya in uu noqdo kabtankii ugu horeeyay ee laba xili ciyaareed oo xidhiidh ah sarre u qaada koobka UEFA Champions League tan iyo markii ay UEFA tartankan isbadalka ku samaysay horaantii sagaashamaadkii.

 

11- Marka aan lagu xisaabin finalka sanadkan 2017, Spain iyo Italy ayaa ah wadamada ugu badan ee ay kooxahoodu soo gaadheen finalka Champions Leaque-ga waxayna soo gaadheen min 27 jeer. Kooxaha Spain ayaa 16 jeer oo ka mid ah 27 kii jeer ee ay finalkan soo gaadheen ku guulaystay koobka halka Italy ay ku guulaysteen 12 jeer iyaga oo 15 guuldaro la laabtay.

 

12- Haddii ay Real Madrid ku guulaysato kulanka Cardiff waxayn noqon doontaa markii 10 aad ee ay koox ree Spain ahi ku guulaystay UEFA Champions League, waxayna noqon doontaa laba jibaarka dalka ku soo xiga ee Italy, waxayna sidoo kale noqon doontaa markii afraad oo xidhiidh ah oo ay koox ree Spain ahi ju guulaystay UEFA Champions League, mana jiraan kooxo isku wadan ah oo laba sano oo isku xiga koobkan soo qaaday oo aan Spain ka ahayn.

 

13- Waxa uu kulanka Cardiff noqon doonaa kulankii afraad ee ah finalka UEFA Champions League oo u dhexeeya kooxo ree Spain iyo Italy ah, waana kooxaha ugu badan ee isku arkay finalkan waxayna min hal kulan dheer yihiin kulamada finalka tartankan ee England vs Spain iyo Spain vs Spain.

 

14- 24 kii kulan final ee UEFA Champions League-ga ugu danbeeyay waxaa 17 ka mid ah lagu go’aamiyay waqtigii rasmiga ahaa ama waqtiga dheeriga ah ee ciyaarta halka 7 kulan final lagu go’aamiyay rekoodhayaal waxaana 24 kii kulan final ee UEFA Champions League laga soo dhaiyay 65 gool.

 

15- Guud ahaan 17 kulan final oo tartanka kooxaha Yurub ah ayaa laysla gaadhay waqti dheeri ah waxaana ka mid ahaa finalkii 2016 ee ay Madrid koobkan ugu soo guulaysatay Milano. Finaladii 1958, 1968, 1970, 1992 & 2014 waxaa koobkan lagu go’aamiyay rekoodhayaal halka sanadkii 1974 kii ay Bayern Munich iyo Atletico Madrid ku kala bixi wayeen 120 kii daqiiqo waxaana kulan ku celis ahaa koobka ugu guulaysatay Bayern Munich.

 

Waxay kala ahaayeen kulamadii finalada tartanka Yurub ee rekoodhayaasha lagu go’aamiyay: 1984, 1986, 1988, 1991, 1996, 2001, 2003, 2005, 2008, 2012 iyo 2016 oo ay Real Madrid 5-3 ku garaacday Atletico inkasta oo ay 120 kii daqiiqo ku kala baxeen bararo 1:1 ah.

 

16- Guushii ugu waynayd ee ay kooxi ugu soo guulaysatay koobka UEFA Champions League-ga ayaa ahayd markii ay AC Milan 4-0 ku garaacday Barcelona ee sanadkii 1994 kii, waxayna sidoo kale AC Milan ku lug lahayd finalkii ugu goolasha badnaa ee 2005 kii oo ay guuldaro rekoodhayaal ah kala kulantay Liverpool kadib lix gool oo layska dhaliyay.

 

17- Laakiin marka aan lagu soo koobin UEFA Champions Leaque-ga ee laga hadlo tartanka kooxaha Yurub, Real Madrid ayaa ah kooxda haysata goolasha ugu badan ee ay kulan final ah soo dhalisay iyada oo sanadkii 1960 kii kooxda ree Germany ee Eintracht Frankfurt ku garaacday 7-3 halka kulamadii Bayern (1974 v Atlético Madrid) iyo Milan (1989 v Steaua Bucureşti) ay min 4:0 ku dhamaadeen.

 

18- Ma jiro hal ciyaartoy oo finalka UEFA Champions League ka soo dhaliyay saddexley laakiin waxaa min laba gool finalkan ka soo dhaliyay Daniele Massaro (Milan 1994), Karl-Heinz Riedle (Borussia Dortmund 1997), Hernán Crespo (Milan 2005), Filippo Inzaghi (Milan 2007) iyo Diego Milito (Inter Milan 2010).

 

19- Laakiin marka ay noqoto guud ahaan tartanka kooxaha Yurub waxaa afar gool finalkii tartankan afar gool ka soo dhaliyay Ferenc Puskás isaga oo goolashan ka dhaliyay kulankii ay Madrid 7-3 ku xasuuqday Eintracht Frankfurt ee sanadkii 1960, sidoo kale Alfredo di Stéfano ayaa saddexley soo dhaliyay halka markale Puskas uu saddexley ka dhaliyay finalkii 1962 kii waxaana Milan saddexley u soo dhaliyay Pierino Prati finalkii 1969 kii laakiin wali ma jiro ciyaartoy UEFA Champions Leaque-ga saddexley ka dhaliyay.

 

20-Cristiano Ronaldo iyo Sergio Ramos ayaa u bahaan in ay min hal gool ka dhaliyaan kulanka Cardiff si uu u noqdaan ciyaartoydii ugu horeeyay ee saddex kulan final oo UEFA Champions League-ga ah goolal ka dhaliyay.

 

21- Waxaa hadda jira shan ciyaartoy oo min laba kulan final oo UEFA Champions League-ga ah goolal ka soo dhaliyay waxayna kala yihiin: Raúl González (Madrid 2000 & 2002), Samuel Eto’o (Barcelona 2006 & 2009), Lionel Messi (Barcelona 2009 & 2011), Cristiano Ronaldo (Manchester United 2008, Real Madrid 2014) iyo Ramos (Real Madrid 2014, 2016).

 

22- Goolkii uu kabtankii AC Milan ee Paolo Maldini uu ka dhaliyay finalkii UEFA Champions Leaque-ga ee sanadkii 2005 kii ayaa wali ah goolka ugu deg dega badan kulan final ah ee UEFA Champions League wuxuuna Maldini rekoodhkan ku haystaa 51 ilbidhsi oo kaliya oo uu Liverpool kaga dhaliyay goolkan.

 

23- Jens Lehmann (2006) iyo Didier Drogba (2008) ayaa ah labada xidig ee kaliya oo kaadhka cas loo taagay kulan final tartanka kooxaha Yurub ah.

 

24- Juventus ayaa haddii ay ku guulaysato koobka Champions Leaque-ga waxay noqon doontaa kooxdii lixaad ee saddexda koob kuwada guulaysatay hal xili ciyaareed, waxaana rekoodhkan laba jeer gaadhay Barcelona oo markii ugu danbaysay kuwada guulaysatay sanadkii 2015 oo ay isla Juventus koobkan ka qaaday.

 

25-Haddii uu Massimiliano Allegri awoodo in uu Juventus saddexda koob kula guulaysto waxa uu ku biiri doonaa liiska tababarayaasha saddexda koob ee hal xili ciyaareed ku sharfan ee Sir Alex Ferguson, Josep Guardiola, José Mourinho, Jupp Heynckes iyo Luis Enrique.

 

26- Gianluigi Buffon ayaa noqon doona ciyaartoygii abid ugu da’da waynaa ee ku guulaysta koobka UEFA Champions League wuxuuna maalinta finalka Cardiff uu noqon doona 39 sano iyo 126 maalmood.

 

WARARKA HINDIGA

Ma Ogtahay Aktarada Caanka ah ee Saif Ali Khan iyo Manisha Koirala in dhalasho wadaag Yihiin+sawiro

16/8/2017 Labada Aktar caanka ah ee Bollywoodka India ee Manisha Koirala iyo Saif Ali Khan ayaa maanta u kala ...

Aktarka caanka ah ee Amadi oo u dabaaldagaya Dhalashadiisa,Ma ogtahay in qalin wareejin uu ku soo galay Filimada iyo Taariikho kale ka bogo

14/8/2017 Jilaaga caanka ah ee  Johnny Lever ayaa u dabaaldagaya isbuuca dhalashadiisa oo waxaa uu Aktarka noqday 60-sano jir.   Johnny ...

Fardeen Khan oo Filimada dib ugu soo laabanaya,xili war farxad uu la wadaagay taageerayaashiisa

12/8/2017 Jilaaga caanka ah ee Fardeen Khan iyo xaaskiisa Natasha Madhavani ayaa u dabaaldagaya canugoodii labaad oo dunida ku ...

Aamir Khan iyo Xaaskiisa Kiran Rao oo uu ku dhacay Hargabka Doonfaarka

08/7/2017 Aktarka caanka ah ee Aamir Khan iyo Xaaskiisa Kiran Rao ayaa la soo warinayaa inuu ku dhacay hargabka ...

Salman Khan iyo Aktaro badan oo lagu soo eedeeyay ineysan ka qeybgalin Aaska Jilaaga Inder Kumar

30/7/2017 Aktarada Bollywoodka ayaa lagu eedeeyay iney ka qeybgali waayeen Duugta Aktarka weyn ee Inder Kumar oo geeriyooday Jimcihii.   Aktarkan ...

Aktarka caanka ah ee Sanjay Dutt oo Xabsiga meel aan aheyn ku dabaaldagay markan

29/07/2017 Jilaaga caanka ah ee Sanjay Dutt ayaa isbuucaan u dabaaldagay dhalashadiisa oo waxaa uu noqday 58 jir.   Dhowr jeer ...

Madadaalada Toddobaadka iyo Maxamed Qadar,wararka layaabka ,ciyaaraha iyo Bollywoodka India

29/07/2017  Kani waa barnaamijka layaabka,ciyaaraha iyo Hindiga oo Anigoo Maxamad Qadar Ibraahim daahir aan u soo gudbiyo dadka kunool ...

Aktar caan ah oo ay Soomaalida taqaan oo maanta Jimco ah geeriyooday

28/07/2017 Jilaaga caanka ah ee ay Soomaalida u garanayaan Suuriyaa balse magaciisa uu yahay Inder Kumar.   Saakay oo Jimco ah ...

Daawo Boorsamiintada Filimka Poster Boys ee ay wadaan walaalaha Sunny Deol iyo Bobby Deol

24/7/2017 Boorsamiintada Filimka Aktarada walaalaha wada dhashay ay wadaan ee Sunny Deol iyo Bobby Deol ayaa shaaca laga qaaday. Filimkan ...

Boorsamiintada Filimka Shah Rukh Khan ee Jab Harry Met Sejal oo la shaaciyay+Video

23/7/2017 Boorsamiintada Filimka uu soo wado jilaaga caanka ah ee Shah Rukh Khan ayaa daaha laga qaaday. SRK waxaa Filimkan ...

Madadaalada Toddobaadka iyo Maxamed Qadar,wararka layaabka ,ciyaaraha iyo Bollywoodka India

22/07/2017  Kani waa barnaamijka layaabka,ciyaaraha iyo Hindiga oo Anigoo Maxamad Qadar Ibraahim daahir aan u soo gudbiyo dadka kunool ...

Hrithik Roshan oo u dabaaldagaya 11-sano kadib Filimkiisii Krrish

24/6/2017 Hrithik Roshan ayaa u dabaaldagaya sanad guuradii 11-aad ee ka soo wareegatay markii uu soo baxay Filimkiisii Krrish ...

Maanta oo jimco ah Hindiya oo uu ka soo baxay Filimka Allu Arjun ee DJ

23/6/2017 Maanta waxaa soo baxay Filimka Allu Arjun ee magaciisa yahay  Duvvada Jagannadham. Allu Arjun waa Aktarada loogu jecelyahay Filimada ...

Guud ahaan Muuqaalada Heesaha ku jira Filimka Salman Khan uu soo wado Ciida oo la shaaciyay

22/6/2017 Dhamaan Muuqaalada Shanta hees ee ku jirta Filimka Salman Khan uu soo wado ee Tubelight ayaa shaaca laga ...

Daawo Hees Cusub oo laga soo saaray Filimka Shah Rukh Khan ee Jab Harry Met Sejal

22/6/2017 Hees Cusub ayaa laga soo saaray Filimka uu wado Aktarka weyn ee Shah Rukh Khan,waxaana Filimkaas lagu magacaabaa ...