Monday, December 18th, 2017

Xaqiiqooyin Xiiso leh oo ku saabsan kulanka Finalka Champions league ee Juventus iyo Real Madrid

Published on June 2, 2017 by   ·   No Comments

03/6/2017 Dunida oo dhan ayaa isha ku heysa kulankan weyn,ma Real Madrid ayaa ku ceshan doonta koobkan oo Taariikh sameyneysa mise Cajuusta qaadeysa oo Taariikhda cusub ee Real ay rabto joojineysa.

 

Kulanka:Juventus vs Real Madrid.

 

Garoonka: Millennium Stadium

 

Garsooraha  Felix Brych

 

Taariikhda:3-da June 2017

 

Saacada:9:45 habeenimo

 

Maalinta:Sabti

 

Xaqiiqooyinka ciyaarta.

 

Real Madrid waxay finalka Champions Leaque-ga uga baahan tahay hal gool oo kaliya si ay u gaadho 500 gool oo UEFA Champions League oo ah goolasha min heerka groupyda ilaa finalka waxayna noqonaysaa kooxdii ugu horaysay ee heerka gool dhalintan abid soo gaadhay.

 

Haddii uu Massimiliano Allegri awoodo in uu Juventus saddexda koob kula guulaysto waxa uu ku biiri doonaa liiska tababarayaasha saddexda koob ee hal xili ciyaareed ku sharfan ee Sir Alex Ferguson, Josep Guardiola, José Mourinho, Jupp Heynckes iyo Luis Enrique.

 

Cristiano Ronaldo iyo Sergio Ramos ayaa u bahaan in ay min hal gool ka dhaliyaan kulanka Cardiff si ay u noqdaan ciyaartoydii ugu horeeyay ee saddex kulan final oo UEFA Champions League-ga ah goolal ka dhaliyay waxayna hore goolal uga soo dhaliyeen finaladii Lisbon iyo Milano.

Juventus ayaa haddii ay ku guulaysato koobka Champions Leaque-ga waxay noqon doontaa kooxdii lixaad ee saddexda koob kuwada guulaysatay hal xili ciyaareed, waxaana rekoodhkan laba jeer gaadhay Barcelona oo markii ugu danbaysay kuwada guulaysatay sanadkii 2015 oo ay isla Juventus koobkan ka qaaday.

 

-Kani waa kulankii 19 aad oo ay isaga hor imaanayaan Juventus iyo Real Madrid koobka Yurub markiii la oran jiray European Cup iyo markan oo ah Champions League.

 

-Taas ayaa ka dhigan inuu yahay kulanka labaad ee ay labo koox tirada ugu badan koobkan ay ku kulmaan kadib Bayern Munich iyo Real Madrid oo kulmay 24 jeer.

 

-Hadaba Yaa badis badan 18 jeer ay iska horyimaadeen Juve iyo Real,Midkastaba 8 jeer ayuu guul gaaray halka labo marna bareejo lagu kala tagay taas ayaa ka dhigan in labada koox awoodooda ay isku mid tahay.

 

-Laakiin mid kamid ah kulumada ay ciyaareen Juventus iyo Real Madrid ayaa ahaa Final waxaana uu dhacay sanadkii 1998-dii,1-0 waxaa ku adkaatay Real Madrid iyagoo goolkooda ugu mahad celiyay Pedrag Mijatovic.

 

-Real Madrid waa kooxda ugu Final imaanshaha badan koobka Yurub oo 15 jeer ayey timid European Cup walaa Champions League taas oo ka badan kooxaha kale,Milan ayaa ku soo xigta oo 11 jeer timid.

 

-14 jeer oo Real Madrid ay Finalka ciyaartay waxaa ay qaaday 11-kamid ah.

 

-Kani waa Finalkii seddexaad oo Real Madrid ay ciyaareyso afarsano gudaheeda.

 

 

-Real Madrid ayaa isku dayeysa iney noqoto kooxdii ugu horeysay ee tan iyo AC Milan labo jeer xiriir ah ku guuleysata koobka Yurub,Milan ayaa sidaas sameysay sanadihii 1989 iyo 1990-kii.

 

-Juventus waa kooxda kaliya ee aysan ku dhicin xagaagan Champions league wax guuldaro ah,9 waa ay badisay seddexna bareejo.

– Haddii ay Juventus ku guulaysato koobka Champions Leaque-ga waxay noqon doontaa kooxdii todobaad ee koobkan guuldaro la’aan ku qaaday iyo markii ugu horaysay tan iyo sanadkii 2008 kii markaas oo Man United guuldaro la’aan ku qaaday Champions Leaque-ga.

 

-Juventus ayaa koobkan qaaday 2 jeer waana sanadihii 1985 iyo 1996 laakiin Lix jeer ayaa laga qaaday,waa kooxda ugu Final qasaariska badan.

 

-Real Madrid ayaa qaadeysay Champions league shantii jeer u dambeeyay oo ay Finalka gaareen halka Juventus afartii jeer ugu dambeeyay ay Finalka tagtay laga qaadayay.

 

– Gonzalo Higuain ayaa dhaliyay 2 gool kulankii lugta hore ee Semi Finalka,taas ayaa ka badan 24 kulan wax uusan ugu dhalin kulumada kala baxa ee knockout-ka.

 

– Dani Alves ayaa ka dhaliyay Champions league 10 gool,waxaana uu caawiyay 25 gool taas oo ka badan Daafacyada kale tan iyo markii uu kulankiisii ugu horeeyay ciyaaray 2007/08.

 

-Real Madrid kaliya hal jeer ayey shabaqeeda ilaashatay 12-kii kulan Champions league xagaagan ay ciyaartay.

 

– Cristiano Ronaldo ayaa 10 gool ka dhalinaya Champions league Xili ciyaareedkii lixaad Xiriir ah,majiran xiddigo kale oo labo mar ka badan sidaas sameeyay waana (Messi iyo Van Nistelrooy).

 

-Hadii uu Gianluigi Buffon kulankan ciyaaro waxaa uu noqonayaa Xidigii labaad oo isagoo qaarow ama Duq ah jirana 39-sano iyo afar billood ciyaara Finalka koobka Yurub,waxaa rikoorkaas heysta Edwin van der Sar oo isagoo 40 jir ah ciyaaray.

 

– Gianluigi Buffon Nasiib malahan labadii jeer uu Finalka Yurub ciyaaray waa la garaacayay kooxdiisa Juventus waana sanadihii 2003 iyo 2015).

 

– Zinedine Zidane ayaa doonaya inuu ku guuleysto markiisii labaad xiriir ah Champions league isagoo macalin ah,waana rikoor aan laga sameynin Champions league.

 

-Laakiin Zidane waxaa uu kamid ahaa Juventus markii Real Madrid ay Champions league ka qaadeysay 1998-dii oo aheyd marka kaliya ay kooxahan Finalka ay isku arkaan.

 

-Wales ayaa lagu marti gelinayaa xagaagan markii ugu horeysay tartanka Yurub Finalkiisa..

 

-Kaliya Seddex kamid ah safka Real Madrid haatan u ciyaara ayaa gool ka dhaliyay Gianluigi Buffon waana Cristiano Ronaldo, Toni Kroos iyo Gareth Bale,iskudar 7 gool ayey ka dhaliyeen oo mid kamid ah ay tahay rigoore la dhaliyay 90-ka ciyaarta kadib,

 

-Ronaldo ayaana ah xiddiga goolasha ugu badan ka dhaliyay Buffon waana shan jeer.

 

WQ Maxamed Qadar Ibraahim Daahir

WARARKA HINDIGA

Madadaalada Toddobaadka iyo Maxamed Qadar,wararka layaabka ,ciyaaraha iyo Bollywoodka India

16-ka  bisha December Kani waa barnaamijka layaabka,ciyaaraha iyo Hindiga oo Anigoo Maxamad Qadar Ibraahim daahir aan u soo gudbiyo dadka ...

Madadaalada Toddobaadka iyo Maxamed Qadar,wararka layaabka ,ciyaaraha iyo Bollywoodka India

9-ka  bisha December Kani waa barnaamijka layaabka,ciyaaraha iyo Hindiga oo Anigoo Maxamad Qadar Ibraahim daahir aan u soo gudbiyo dadka ...

Madadaalada Toddobaadka iyo Maxamed Qadar,wararka layaabka ,ciyaaraha iyo Bollywoodka India

2 bisha December Kani waa barnaamijka layaabka,ciyaaraha iyo Hindiga oo Anigoo Maxamad Qadar Ibraahim daahir aan u soo gudbiyo dadka ...

Madadaalada Toddobaadka iyo Maxamed Qadar,wararka layaabka ,ciyaaraha iyo Bollywoodka India

18-ta bisha November Kani waa barnaamijka layaabka,ciyaaraha iyo Hindiga oo Anigoo Maxamad Qadar Ibraahim daahir aan u soo gudbiyo dadka ...

Madadaalada Toddobaadka iyo Maxamed Qadar,wararka layaabka ,ciyaaraha iyo Bollywoodka India

11-ta bisha November Kani waa barnaamijka layaabka,ciyaaraha iyo Hindiga oo Anigoo Maxamad Qadar Ibraahim daahir aan u soo gudbiyo dadka ...

Madadaalada Toddobaadka iyo Maxamed Qadar,wararka layaabka ,ciyaaraha iyo Bollywoodka India

4-ta bisha November Kani waa barnaamijka layaabka,ciyaaraha iyo Hindiga oo Anigoo Maxamad Qadar Ibraahim daahir aan u soo gudbiyo ...

Madadaalada Toddobaadka iyo Maxamed Qadar,wararka layaabka ,ciyaaraha iyo Bollywoodka India

28-ka september/2017  Kani waa barnaamijka layaabka,ciyaaraha iyo Hindiga oo Anigoo Maxamad Qadar Ibraahim daahir aan u soo gudbiyo dadka ...

Madadaalada Toddobaadka iyo Maxamed Qadar,wararka layaabka ,ciyaaraha iyo Bollywoodka India

21-ka september/2017  Kani waa barnaamijka layaabka,ciyaaraha iyo Hindiga oo Anigoo Maxamad Qadar Ibraahim daahir aan u soo gudbiyo dadka ...

Madadaalada Toddobaadka iyo Maxamed Qadar,wararka layaabka ,ciyaaraha iyo Bollywoodka India

14-ka september/2017  Kani waa barnaamijka layaabka,ciyaaraha iyo Hindiga oo Anigoo Maxamad Qadar Ibraahim daahir aan u soo gudbiyo dadka ...

Madadaalada Toddobaadka iyo Maxamed Qadar,wararka layaabka ,ciyaaraha iyo Bollywoodka India

23-ka september/2017  Kani waa barnaamijka layaabka,ciyaaraha iyo Hindiga oo Anigoo Maxamad Qadar Ibraahim daahir aan u soo gudbiyo dadka ...

Madadaalada Toddobaadka iyo Maxamed Qadar,wararka layaabka ,ciyaaraha iyo Bollywoodka India

30-ka september/2017  Kani waa barnaamijka layaabka,ciyaaraha iyo Hindiga oo Anigoo Maxamad Qadar Ibraahim daahir aan u soo gudbiyo dadka ...

Maanta oo uu soo baxay Filimka Judwaa 2,iyo Salman khan oo kasoo muuqanaya

29-ka September Maanta oo Jimco ah waxaa Shineemooyinka India laga sii deeyay Filimka uu wado Varun Dhawan oo ku ...

Salman Khan oo talo siiyay Aktarka Filimkiisii Judwaa soo cusbooneysiinaya

26-ka September Jilaaga Da’yar ee Varun Dhawan ayaa markii ugu horeysay xirfadiisa waxaa uu ku jilayaa labo Mataana ah. Qeybta ...

Muuqaal Xiiso leh oo ay Sameeyeen Salman Khan iyo Varun Dhawaan oo ku saabsan Filimka Judwaa 2+viedo

  23/9/2017 Muuqaal kooban ayaa laga soo saaray Filimka Judwaa 2 oo uu wado Aktarka hada aadka loo xiiseeyo ee ...

Madadaalada Toddobaadka iyo Maxamed Qadar,wararka layaabka ,ciyaaraha iyo Bollywoodka India

23-ka september/2017  Kani waa barnaamijka layaabka,ciyaaraha iyo Hindiga oo Anigoo Maxamad Qadar Ibraahim daahir aan u soo gudbiyo dadka ...